Maanta oo ah Khamiis, magaalada Laascaanood waxaa si rasmi ah looga daahfuray xarunta cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo. Xaruntan oo ka kooban qeybo kala duwan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo howlaha Baarlamaanka iyo adeegyada bulshada ee Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Munaasabaddan taariikhiga ah waxaa ka soo qeyb galay madax sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweyne Ku Xigeenka SSC-Khaatumo, Mudane H.E Mohamed Abdi Ismail – Shiine
• Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo, Mudane Jaamac Yaasiin Warsame
• Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Mudane Jaamac Aadan Cismaan
• Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal)
• Wasiiro, xildhibaano, iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda SSC-Khaatumo.
Dhismahan casriga ah waxaa si gaar ah u fulisay shirkadda Fenoon, taasoo door muuqda ka qaadata horumarinta kaabayaasha dhismaha ee dowladda iyo deegaanka. Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal), ayaa uga mahadceliyay madaxda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii howlaha dhismaha xaruntan ay socdeen.
Waxaa la rajeynayaa in xaruntan cusub ay noqoto saldhig muhiim ah oo lagu hormariyo nidaamka siyaasadeed iyo adeegyada bulshada, iyadoo sare loo qaadayo kaabayaasha dowladnimada.
Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal), ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic muhiim ah oo horumarineed, kuwaas oo kor u qaadaya tayada adeegyada iyo bilicda guud ee deegaanka SSC-Khaatumo.










































