Category Archives: Uncategorized

Mashruuca Dhismaha XUDUN Hotel oo Casri ah oo Heerkiisu Yahay Shanta Xiddig oo Lagu Daah-furay Magaalada Laascaanood

Laascanood, 28 ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ 2024

Maanta oo ah Isniin, magaalada Laascaanood waxaa si rasmi ah looga dhagax dhigay mashruuca dhismaha XUDUN Hotel, oo noqon doona hotel casri ah oo heerka shanta-xiddig leh (five-star). Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay Hogaamiye Ku-xigeenka maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine), Maamulaha Guud ee shirkadda Fenoon, Injineer Maxamuud Cali Xirsi, iyo madax kale oo ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo, oo ay ku jiraan wasiirro iyo masโ€™uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale goobta joogay howl-wadeenada shirkadda Fenoon oo ka kala socday waaxyaha kala duwan ee shirkadda.

Dhismahan casriga ah ee XUDUN Hotel ayaa ka mid noqonaya mashaariicda horumarineed ee waaweyn ee shirkadda Fenoon ay ka fulinayso deegaanada SSC-Khaatumo. Shirkadda Fenoon, oo kaalin muhiim ah ku leh dib-u-dhiska deegaanka, ayaa qorsheyneysa in hotelkan uu ka turjumo horumarka iyo bilicda magaalada Laascaanood. Mashruucan ayaa lagu hirgelin doonaa farsamooyinka ugu casrisan, iyadoo uu shaqaalaha injineerrada ah iyo hawl-wadeennadu yihiin kuwo xirfad sare leh. Hotelkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada martigelinta ee magaalada, iyadoo lagu darayo adeegyo tayaysan oo soo jiidan doona dalxiisayaasha iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Maxamuud Cali Xirsi, ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucan lagu dhammeystiri doono waqti kooban, isagoo ku adkeeyay in la adeegsanayo agab casri ah iyo farsamo heer caalami ah. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay madaxda iyo martida ka soo qeyb gashay munaasabadda dhagax-dhigga, isaga oo ku bogaadiyay taageeradooda muhiimka ah ee mashruuca.

๐—ก๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ:
๐Ÿ“ž +252 619119461
๐Ÿ“ž +252 90 6012111
๐Ÿ“ž +252 634496404
โœ‰๏ธ fenoonstar@gmail.com
๐ŸŒ www.fenoonstar.com

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—™๐—ฒ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ป:

  • Muqdisho
  • Garoowe
  • Laascaanood