Category Archives: News

Dhagax Dhigga Xabsiga Cusub Ee Degmadda Laascaanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ssc – Khaatumo ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay xabsi cusub oo laga hirgelinayo galbeedka caasimadda Laascaanood. Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha amniga, maamulka degmada, kan gobolka, iyo masuuliyiin ka socota shirkadda Fenoon.

Mashruucan ayaa ah mid muhiim u ah horumarinta iyo amniga deegaanka. Waxaa maalgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, halka fulintiisana ay iska kaashanayaan shirkadda Afac Engineering iyo Fenoon Star Contracting Company , taasoo ah talo-bixiyaha mashruucan.

Xabsigan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xakameynta maxaabiista, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xaqiijinta nidaamyada amniga iyo cadaaladda.

Dowlad Goboleedka Ssc – Khaatumo ayaa sheegay in xabsigan uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo horumarka iyo sugnaanta amniga deegaanada dowlad goboleedka. Sidoo kale, wuxuu xabsigan gacan ka geysan doonaa xoojinta xasilloonida iyo nabadgelyada guud.

Dhammaad

Tartanka Ramadaan Cup oo Si Rasmi Ah Looga Daahfuray Magaalada Laascanood

Laascanood, Isniin, 03 Maarso, 2025 – Waxaa si rasmi ah garoonka Royal Stadium ee magaalada Laascanood uga daahfurmay Tartanka Ramadaan Cup, oo sanad walba lagu qabto magaalada, kaasoo ay taaba-gelisay Shirkadda Fenoon Star Construction Company, gaar ahaan xafiiska Arrimaha Bulshada.

Tartanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo, Saleebaan Cismaan Cabdinuur (Kabtan Dhalo), waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah howlwadeenada Shirkadda Fenoon iyo dhalinyaro u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Sanadkan, tartanka waxaa ka qeyb galaya 13 kooxood, iyadoo kulankii furitaanka ay ku ballansanaayeen kooxaha Awed Travel iyo Suldaan Gift.

Shirkadda Fenoon ayaa door weyn ka qaadata horumarinta arrimaha bulshada iyo deegaanka, waxaana tartankan oo ah mid sanadle ah uu qayb ka yahay dadaallada ay shirkaddu ku taageerto dhalinyarada iyo isboortiga.

Dhammaad

Dhagax – DHigga Xarunta Arimaha Qurbo-Joogta Soomaaliyeed

Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah looga dhagax dhigay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗤𝘂𝗿𝗯𝗼-𝗝𝗼𝗼𝗴𝘁𝗮𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗱, taas oo laga hirgelinayo gudaha 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗶𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 ee 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮. Mashruucan oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta adeegyada qurbo-joogta Soomaaliyeed, waxaa maalgelintiisa iska leh 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮, halka 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗻𝗼𝗼𝗻 𝗦𝘁𝗮𝗿 𝗖𝗼𝗻𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗮𝗻𝘆 ay ku guuleysatay qandaraaska dhismaha.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka soo qeyb galay 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗶𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗼𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗙𝗶𝗾𝗶, 𝗦𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗮𝗵𝗮 𝘂 𝗳𝗮𝗱𝗵𝗶𝘆𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮, 𝗛.𝗘. 𝗠𝗿. 𝗪𝗮𝗻𝗴 𝗬𝘂, 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗻𝗼𝗼𝗻 𝗦𝘁𝗮𝗿, 𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 𝗛𝗲𝗿𝘀𝗶 (𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗔. 𝗝𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹), iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda Fenoon Star.

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗻𝗼𝗼𝗻 𝗦𝘁𝗮𝗿 𝗖𝗼𝗻𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗮𝗻𝘆, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka u ah dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka, ayaa ballan qaaday in mashruucan lagu dhammeystiri doono si hufan, iyada oo la adeegsanayo agab casri ah iyo injineerro khibrad sare leh.

𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗔. 𝗝𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹, ayaa sheegay in 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗙𝗲𝗻𝗼𝗼𝗻 𝗦𝘁𝗮𝗿 𝗖𝗼𝗻𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗮𝗻𝘆 ay mar walba ka go’an tahay in ay si hufan u fuliso mashaariicda ay gacanta ku hayso, si loo hubiyo in ay noqdaan kuwo tayo sare leh oo la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah.

Chairman Soiya Deeq Inaugurates Fenoon Cup 2025, Promoting Unity and Youth Empowerment Through Football

Mogadishu, Feb 12, 2025

The Chairman of the Somali International Youth Agency (SOIYA), Mr. Deeq Abdi Aziz Mohamed (Deeq Jidaal), officially inaugurated the Fenoon Cup 2025, an annual football tournament featuring 13 youth teams from across Somalia. The tournament is designed to give young Somali players an opportunity to showcase their football talents while promoting unity, peace, and community development through sports.

In his opening speech, Chairman Deeq Jidaal emphasized the importance of empowering Somali youth and using sports as a tool for social change. He stated, “Fenoon Cup is more than just a football tournament. It is a platform for Somali youth to grow, develop their talents, and contribute to their community’s future. Sports play a vital role in building character, discipline, and teamwork among the youth.”

The Chairman also highlighted the significant role Fenoon Star Construction Company, a leading firm in construction and real estate development, played in supporting the tournament. He expressed his gratitude for the company’s commitment to youth empowerment and their contributions to making the Fenoon Cup a success.

Fenoon Cup 2025 is expected to be an exciting and competitive event, where teams will vie for prestigious trophies and awards while fostering teamwork and community engagement.

Daahfurka Xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka SSC-KhaatumoLaascaanood.

Maanta oo ah Khamiis, magaalada Laascaanood waxaa si rasmi ah looga daahfuray xarunta cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo. Xaruntan oo ka kooban qeybo kala duwan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo howlaha Baarlamaanka iyo adeegyada bulshada ee Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Munaasabaddan taariikhiga ah waxaa ka soo qeyb galay madax sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweyne Ku Xigeenka SSC-Khaatumo, Mudane H.E Mohamed Abdi Ismail – Shiine
• Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo, Mudane Jaamac Yaasiin Warsame
• Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Mudane Jaamac Aadan Cismaan
• Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal)
• Wasiiro, xildhibaano, iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda SSC-Khaatumo.

Dhismahan casriga ah waxaa si gaar ah u fulisay shirkadda Fenoon, taasoo door muuqda ka qaadata horumarinta kaabayaasha dhismaha ee dowladda iyo deegaanka. Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal), ayaa uga mahadceliyay madaxda Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii howlaha dhismaha xaruntan ay socdeen.

Waxaa la rajeynayaa in xaruntan cusub ay noqoto saldhig muhiim ah oo lagu hormariyo nidaamka siyaasadeed iyo adeegyada bulshada, iyadoo sare loo qaadayo kaabayaasha dowladnimada.

Guddoomiyaha shirkadda Fenoon, Injineer Axmed Cali Xirsi (Axmed C. Jidaal), ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic muhiim ah oo horumarineed, kuwaas oo kor u qaadaya tayada adeegyada iyo bilicda guud ee deegaanka SSC-Khaatumo.