Dhagax Dhigga Xabsiga Cusub Ee Degmadda Laascaanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ssc – Khaatumo ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay xabsi cusub oo laga hirgelinayo galbeedka caasimadda Laascaanood. Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha amniga, maamulka degmada, kan gobolka, iyo masuuliyiin ka socota shirkadda Fenoon.

Mashruucan ayaa ah mid muhiim u ah horumarinta iyo amniga deegaanka. Waxaa maalgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, halka fulintiisana ay iska kaashanayaan shirkadda Afac Engineering iyo Fenoon Star Contracting Company , taasoo ah talo-bixiyaha mashruucan.

Xabsigan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xakameynta maxaabiista, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xaqiijinta nidaamyada amniga iyo cadaaladda.

Dowlad Goboleedka Ssc – Khaatumo ayaa sheegay in xabsigan uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo horumarka iyo sugnaanta amniga deegaanada dowlad goboleedka. Sidoo kale, wuxuu xabsigan gacan ka geysan doonaa xoojinta xasilloonida iyo nabadgelyada guud.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these <abbr title="HyperText Markup Language">HTML</abbr> tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*