Tartanka Ramadaan Cup oo Si Rasmi Ah Looga Daahfuray Magaalada Laascanood

Laascanood, Isniin, 03 Maarso, 2025 – Waxaa si rasmi ah garoonka Royal Stadium ee magaalada Laascanood uga daahfurmay Tartanka Ramadaan Cup, oo sanad walba lagu qabto magaalada, kaasoo ay taaba-gelisay Shirkadda Fenoon Star Construction Company, gaar ahaan xafiiska Arrimaha Bulshada.

Tartanka waxaa si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo, Saleebaan Cismaan Cabdinuur (Kabtan Dhalo), waxaana goob joog ka ahaa qaar ka mid ah howlwadeenada Shirkadda Fenoon iyo dhalinyaro u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Sanadkan, tartanka waxaa ka qeyb galaya 13 kooxood, iyadoo kulankii furitaanka ay ku ballansanaayeen kooxaha Awed Travel iyo Suldaan Gift.

Shirkadda Fenoon ayaa door weyn ka qaadata horumarinta arrimaha bulshada iyo deegaanka, waxaana tartankan oo ah mid sanadle ah uu qayb ka yahay dadaallada ay shirkaddu ku taageerto dhalinyarada iyo isboortiga.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.

You may use these <abbr title="HyperText Markup Language">HTML</abbr> tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*